Kuuriyada Waqooyi oo jawaabtii ugu adkayd siisay Maraykanka.

Image

Pyongyang — Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal nuuca is haga ee joogga hoose tijaabisay saakay oo Axad ah, sidaasi waxaa sheegtay Warbaahinta afka dowladda ku hadasho ee KCNA.

Hogaamiyaha dalka Kim Jong Un ayaa kormeeray tijaabadan, sida lagu sheegay warbixinta, taasoo ku tilmaantay tijaabo loo maray "Nidaamka hubka ee muhiimka ah."

Gantaalada istiraatijiga ah ee biyaha hoostooda ilaa dhulka dushiisa mari kara ayaa socday 1,500 kilomitir waxayna duuleen inta u dhaxaysa 7,507 iyo 7,511 ilbiriqsi ka hor intaysan gaarin bartilmaameedkoodi, ayaa lagu yiri warka lagu daabacay KCNA.

KCNA waxay kaloo sheegtay maanta, in wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ay wacad ku martay in ay sameyn dootno ka hortag adag oo ka dan ah Mareykanka, ilaa iyo inta ay Washington diideyso bay yiraahdeen madax-bannaanida Pyongyang.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Khamiistii wareysi uu bixiyay ku sheegay, inuu mar kale la xiriiri doono Kim, ka dib markii ay labada hogaamiye ay si fool ka fool ah u kulmeen muddo xileedki koowaad ee madaxweyne Trump.

Kuuriyada Waqooyi waxay wacad ku martay inay jawaab adag siinayso Mareykanka iyo xulufadiisa Kuuriyada Koonfureed kadib markii ay Ciidamadooda sameeyeen daan-daansi iyada ka dhan ah.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM