Kuuriyadda Waqooyi oo riday Gantaal cabsi-geliyay Mareykanka

Image

SEOL - Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal ku ridday badda xilli dublamaasiyadda ugu sarreeya Maraykanka uu shirar ku lahaa caasimadda Kuuriyada Koonfureed ee Seol.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalka loo soo riday dhanka bari waxyar kadib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu la kulmay Ku-simaha Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Choi Sang-mok.

"Ciidamadeenu waxay ogaadeen in la riday hal madfac oo loo malaynayo inuu yahay gantaal ballistic ah oo riddada dhexe," ayuu yiri milaterigu.

Kadib markii uu gantaalku ku duulay 1,100km (680 mayl), ka hor inta aanu ku dhicin biyaha u dhexeeya gacanka Kuuriya iyo Japan, millatarigu waxa ay sheegeen in Seoul "xoojisay ilaalinta iyo feejignaanta" duqeymo kale.

Gantaalka ayaa u muuqday mid ku dhacay biyaha, sida ay sheegtay Japan. Seoul waxay "wada shaqayn dhow la lahayd Maraykanka iyo Japan" wax ku saabsan bilaabista, milatariga koonfurta ayaa ku daray.

Wasaaradda difaaca ee Japan ayaa sheegtay in gantaalku uu ku dhacay meel ka baxsan aagga dhaqaalaha ee gaarka ah, mana jiraan warar sheegaya in waxyeello soo gaartay maraakiib iyo diyaarado.

Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed Cho Tae-yul labaduba waxay dhaleeceeyeen Kuuriyadda Waqooyi, iyadoo diblomaasiga ugu sarreeya Washington uu ku tilmaamay "xadgudub kale oo lagu sameeyay qaraaro uu soo saarey Gollaha Amaanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM