Labada hogaamiye ugu da'da yar Madaxda Carab oo kulmaya

Image

RIYASH - Hogaamiyaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, oo la magacaabay madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ah todobaadkii hore, ayaa qorsheynaya inuu booqdo Sacuudiga Maanta, taasoo noqonaysa safarkiisii ugu horeeyay ee dibadda kadib markii uu xilka qabtay, oo la riday Bashaar Al-Asad.

Ilo ku sugan Suuriya ayaa u sheegay Al Jazeera Sabtidii in Axmed al-Sharaa uu ku sugnaan doono Sacuudiga laba maalmood, waxaana la filayaa inuu kala hadlo Maxamed Bin Salmaan xoojinta xiriirka labada dal. Magacaabista Axmed al-Sharaa ayaa timid kadib markii xoogagga mucaaradka talada Suuriya lawareegeen bishii Diseembar ee 2024.

Sida madaxweynaha, Axmed al-Sharaa sidoo kale waxa uu ogolaaday in la sameeyo gole sharci-dejin kumeel gaar ah oo shaqeyn doona marxaladda kumeelgaarka ah ilaa dastuur cusub la ansixiyo.

Boqorka Sacuudiga, Salman bin Abdulaziz, iyo Dhaxal-sugaha Maxamed bin Salman ayaa farriimo hambalyo ah u diray al-Sharaa kadib magacaabistiisa madaxweynaha, iyagoo u rajeeyay guul.

Bishii hore, Axmed al-Sharaa ayaa u sheegay Al Arabiya TV in Sacuudigu “si dhab ah uga qayb qaadan doono mustaqbalka Suuriya,” isagoo tilmaamay “fursad maalgashi oo weyn oo dhammaan dalalka deriska ah.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM