Labo dhaqtar oo cudurka Ebola ugu geeriyoodey dalka Sierra Leone

Image

December 6, 2014 (GO)- Xilli todobaadyadii u dambeeyey aad hoos ugu dhacday tirada dadka cudurka Ebola ugu geeriyoonaya galbeedka Afrika ayaa shalay oo Jimce ahayd waxaa dalka Sierra Leone ku  dhintey labo kamid ah dhaqaatiirta ku hawlan daweynta bukaanada uu cudurkaasi haleelay.

Dowladda Sierra Leone ayaa xaqiijisey geerida labada dhaqtar haseyeeshee faah faahin dheeri ah lagama bixin qaabka ay fayruskaas ku qaadeen iyo weliba xilliga uu ku dhacay.

Kiisaskan cusub ayaa toban ka dhigaya guud ahaan tirada dhaqaatiirta tan iyo bishii March ee sanadkan cudurka Ebola ugu geeriyoodey Sierra Leone.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa bishii hore ee November sheegay in heerka fidista cudurka Ebola hoos u dhacay isagoo ku baaqay in caalamku si wadajir ah isaga kaashado ka hortagga iyo weliba dabar goynta fayruska Ebola. 

Dhanka kale waxaa rajo wanaagsan laga muujiyey natiijada kasoo baxday tallaal loo diyaarinayo cudurka Ebola oo si tijaabo ah dalka Maraykanka loogu siiyey labaatan qof oo mutadawaciin ah.

Haddii tallaalkaasi noqdo mid taaba-gal ah waxaa marka ugu horeysa lagu duri doonaa tobannaan kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala wadamada galbeedka Afrika ee cudurkaasi faraha ba'an ku hayo. 

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 5,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM