Lacag iyo Dahab laga soo saarey Guriga Ra'iisul Wasaarihii hore ee Malaysia

Image

Kuala Lumpur - Ciidanka Booliska ee wadanka Malaysia ayaa weerar ay ku qaadeen guriga Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Najib Razak, waxayna kusoo qabteen lacago caddaan ah, alaab qaali ah, dukumiintiyo iyo agab kale oo badan.

Gurriga weerarka lagu qaaday oo ku yaala Magaalada caasimada ah ee Kuala Lumpur, ayaa wuxuu qayb ka ahaa howlgalo baaritaano ah, tasoo dowladu ic-laamisay, islamarkaana ay ku beegsaneyso guriga siyaasigaan, kaasoo looga adkaaday doorashadii dhowaan dhacday.

Mahathir Mohammad oo loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Malaysia ayaa wuxuu faray booliska ay inay bilaabeen baaritaano ka dhan Rasak, kaasoo lagu eedaynayo inuu lunsday hanti badan oo ay dowladu leedahay taasoo gaareysa $700 Milyan oo Dollar, wallow uu beeniyay.

Howlgalkaan lagu soo qabtay lacagtaan aan wali cadaddeeda la shaacin, agabka, dukumiintiyadda iyo waxybaaha kale ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan Booliska ay weerareen Xafiiska gaar ahaaneed ee Najib, halkaasoo ay waxba kasoo waayeen

Booliska ayaa lagu wadaa inay warbaahinta usoo bandhigaan agabkaan ay sheegeen inay kasoo bixiyeen Gurriga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Najib Rasak.

Malaysia oo kamid ah dalalka ugu horumarsan Aasiya ayaa waxaa ka taagneed mudooyinkii dambe qalalaaso salka ku haya musuq lagu eedeeyay Najib Rasak, taasoo keentay inuu ku guul dareysto doorashadii dhowaan dhacday, isagoona wada wajahaya baaritaano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM