LAMU: Qarax lala eegtay ciidanka Kenya

Image

LAMU, Kenya- Wararka laga helayo deegaan xeebeedka Lamu oo dhacda xadka ay wadaagaan Kenya iyo Somalia ayaa sheegaya in qarax lala eegtay ciidamo katirsan kuwa difaaca dalkaas oo marayay xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Qarax lagu aasay dhulka ayaa la kacday mid kamid ah baabuurta  ay wateen Kolonyo katirsan ciidanka KDF.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka dalka ayaa xaqiijiyay inuu dhintay mid kamid ah askartooda.

Wararku waxay intaas ku darayaan inay dhaawcmeen ilaa Shan askari oo kale kuwaasoo kamid ah ciidamada la qarxiyay.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaas oo kusoo beegmay iyadoo ammaanka deegaan xeebeedka Lamu aad loo adkeeyay.

Ciidamo dheeraad ah ayaa loo diray goobta shilku ka dhacay, si baaritaan loogu sameeyo xaqiiqada rasmiga ah ee Lamu ka dhacday.

Deegaanka Lamu ayaa kamid ah ilaha ugu muhiimsan ee Kenya ka hesho dhaqaalaha, maadama ay u dalxiis tagaan dadyow kala duwan.

Balse, hoos u dhac ayaa laga dareemayaa dhaqaalaha dalxiiska dalka Kenya ee deegankaas kadib markii uu batay weerarada kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM