LAMU: Qarax lala eegtay ciidanka Kenya

Image

LAMU, Kenya- Wararka laga helayo deegaan xeebeedka Lamu oo dhacda xadka ay wadaagaan Kenya iyo Somalia ayaa sheegaya in qarax lala eegtay ciidamo katirsan kuwa difaaca dalkaas oo marayay xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Qarax lagu aasay dhulka ayaa la kacday mid kamid ah baabuurta  ay wateen Kolonyo katirsan ciidanka KDF.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka dalka ayaa xaqiijiyay inuu dhintay mid kamid ah askartooda.

Wararku waxay intaas ku darayaan inay dhaawcmeen ilaa Shan askari oo kale kuwaasoo kamid ah ciidamada la qarxiyay.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaas oo kusoo beegmay iyadoo ammaanka deegaan xeebeedka Lamu aad loo adkeeyay.

Ciidamo dheeraad ah ayaa loo diray goobta shilku ka dhacay, si baaritaan loogu sameeyo xaqiiqada rasmiga ah ee Lamu ka dhacday.

Deegaanka Lamu ayaa kamid ah ilaha ugu muhiimsan ee Kenya ka hesho dhaqaalaha, maadama ay u dalxiis tagaan dadyow kala duwan.

Balse, hoos u dhac ayaa laga dareemayaa dhaqaalaha dalxiiska dalka Kenya ee deegankaas kadib markii uu batay weerarada kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM