Lubnaan: Qaylo-dhaan laga soo saarey xaalka dad la barakiciyey

Image
Sababta ugu weyn ee khatartan keentay waa ciriiriga ka jira kaabayaasha lama maarmaanka ah ee hoyga iyo biyaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 400,000 oo carruur ah oo si qasab ah looga barakiciyay guriyahooda Lubnaan ayaa halis ugu jira cudurrada maqaarka, daacuunka iyo xanuuno kale ee biyaha ka dhasha.

Sababta ugu weyn ee khatartan keentay waa ciriiriga ka jira kaabayaasha ugu yar ee hoyga iyo la'aanta biyaha iyo fayadhowrka, sidda ay sheegtay Save the Children.

Hay’adda samafalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kiiskii ugu horreeyay ee daacuun caloolaha iyo kiisas xanuunka Isnaax ah ay horay u soo sheegeen qaar ka mid ah 1.2 milyan oo qof oo ay ku khasbeen weerarrada Israa’iil.

Kamaal Nasser El Deen, isku duwaha jawaabta degdega ah ee Save the Children Lubnaan ayaa yidhi, qoysaska iyo carruurta ku jira hoyga ayaa sida caadiga ah sugayay safaf dhaadheer si ay u galaan musqulaha.

"Xarumaha kuma filna tirada dadka, kaagana sii darnaa, biyaha ayaa ah mid aan iswaafaqsanayn," El Deen ayaa sidaas yidhi.

"La'aantan biyo nadiif ah oo la isku halleyn karo waxay abuurtaa khatar weyn oo ah cudurrada biyaha ka dhasha. Waa wax laga xumaado in la ogaado in carruurtan, oo horeba u barokacay oo nugul, ay wajahayaan khatar dheeraad ah oo jirro ah sababtoo ah baahiyaha aasaasiga ah sida nadaafadda iyo biyaha nadiifka ah lama daboolin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anthony Albanese oo Mar Kale Ku Guuleystay Doorashada Guud ee Australia

Doorashadan ayaa timid xilli xisbiga Talada haya uu sanadkan ku bilaabay ololaha…

  • Caalamka

    03-05-2025

  • 06:58PM

Xuutiyiinta oo Gantaallo ku Weeraray Saldhigyo Militeriga oo ku yaalla Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale cunaqabateyn ku haysa marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.

  • Caalamka

    03-05-2025

  • 09:41AM