Maalinta Xorriyadda Saxaafadda: Madaxweyne La Hadlay Warfidiyeeno Muddo 15 Saacadood ah

Image

Male, Maldives – Madaxweyne Mohamed Muizzu ayaa taariikh cusub ka dhigay dalka Maldives kadib markii uu warfidiyeenka la hadlay muddo ku dhow 15 saacadood, khudbad socotay laga bilaabo 10:00 subaxnimo ilaa 12:54 habeenimo, maalintii Sabtida, 3-da May 2025.

Shirka jaraa’id oo aan caadiga ahayn ayaa lagu beegay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, taas oo Muizzu u adeegsaday in uu muujiyo sida dowladdiisu uga go’an tahay daahfurnaan iyo xushmeynta doorka saxafiyiinta. Madaxweynuhu wuxuu ka jawaabay su’aalo fara badan oo ka yimid ku dhowaad labaatan wariye oo  metelayey warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Su’aalaha qaarkoodna waxaa ka soo kamid noqdey dadweynaha.

Shirka oo loo agaasimey si gaar ah, waxaa la siiyey wariyeyaasha cunnooyin iyo nasashooyin gaagaaban, maadaama uu socday muddo aad u dheer.

Dhacdadan ayaa ka dhigeysa madaxweyne Muizzu hoggaamiyihii ugu hadal badnaa ee shir jaraa’id qabta, isagoo jabiyey rikoodh hore oo uu sameeyey Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky sanadkii 2019, markaas oo uu la hadlay warbaahinta muddo 14 saacadood.

Sidoo kale, waxaa xusuus mudan in Maldives horey ugu caansanayd dhacdooyin ujeedadoodu tahay in lagu muujiyo arrimo muhiim ah; sida markii uu Madaxweynihii hore Mohamed Nasheed shirkii ugu horreeyey ee Golaha Wasiirada ku qabtay badda hoosteeda sanadkii 2009, si uu u muujiyo qatarta isbeddelka cimilada.

Xorriyadda warbaahinta Maldives ayaa sanadihii u dambeeyey isbeddel sameyneysay. Warbixin uu soo saaray ururka Reporters Without Borders ayaa muujisay in dalka uu hoos ugu dhacay kaalinta 106-aad ee liiska caalamiga ah sanadkii 2024.

Inkasta oo shirka madaxweynahu uu si weyn uga hadlayey gudaha dalka, haddana wali ma jirto hay’ad caalami ah oo si rasmi ah u diiwaangelisay rikoodhkan cusub. Si kastaba, dhacdadan ayaa si weyn loogu arkaa tallaabo muujinaysa isfaham iyo wadashaqeyn dhexmarta madaxda sare iyo saxaafadda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM