Macron oo noqday madaxweynaha Faransiiska

Image

Ninka siyaasadiisu Dhex-dhexaadka tahay ee Emmanuel Macron ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinnimada Faransiiska, asagoo helay ku dhawaad 65.5% codadkii la dhiibtay, halka haweeneydii la tartamaysay ee Marine Le Pen, ay heshay 34.5%.

39 jirkan ka guulaystay haweynayda da’da ahay ee Macron ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu da’da yaraa ee dalka Faransiiska.

Mr Macron ayaa sidoo kale noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee tan iyo sanadkii 1958 ka soo baxa xisbi aan ahayn labada axsaab ee ugu waaweyn Faransiiska.

Ninkan oo aan horay wax xil ah usoo qaban ayaa la sheegay inuu dalkaas u firi doono bog cusub oo siyaasdeed.

"Waxaan dhagaystay carada, walwalka iyo shakiga aad muujiseen qaar badan oo idinka mid ah," ayuu yiri madaxweynaha cusub.

Shanta sano ee soo socota ayuu sheegay inuu ka shaqayn doono arrimaha hormarka iyo midaynta shacabka Faransiiska.

Tan iyo Xalay waxaa caasumadda Paris kasocday fantiyo waaweyn oo lagusoo dhaweynayo Madaxweynaha Cusub.

Madax badan oo caalamka ah, oo uu ka mid yahay Trump-ka Maraykanka ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Faransiiska.

Ammaanka dalka Faransiiska ayaa aad loo adkeeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM