Madaxda Caalamka oo Dayacdey Xaq Dhowrka Xuquuqul Aadanaha

Image

Siyaasado keeney dib u dhac iyo hadalo Naceyb ah oo kasoo yeeray Madaxweyne Trump, Putin iyo Xi ayaa wiiqdey xuquuqda caalamka, sidaas waxaa sheegey hay’adda qaabilsan xuquuqda aadanaha.


hoggaamiyayaasha aduunka ayaa waxyeeleynaya xuquuqda aadanaha malaayiin qof oo ku nool daafaha caalamka, kadib markii ay lasoo baxeen siyaasado naceyb ka Buuxo kuwasoo sababey mudaharaadyo ay sameynayaan dadka diidan go’aamadaan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, hogaamiyaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha China Xi Jinping ayaa dib uga noqdey siyaasadahaan keeney dib u dhac sanadkii 2017 sidaas waxaa lagu sheegey warbixin sanadeedka ay soo saartey hay’adda xuquuqqul Insaanka qaabilsan.

Hay’adaan ayaa sidoo kale magacowdey madaxda wadamada Egypt, Philippines iyo Venezuela.

“ Madaxda kala ah el- Sisi, Dutete, Maduro, Putin, Trump iyo Xi waxay si arxan daro ah u waxyeeleynayaan xuquuqda Malaayiin qof oo ku nool caalamka.” Sidaas waxa lagu sheegey warbixintaan

Siyaasadahan ayaa waxa kamid ah xanibaadii dhinaca safarka ee Madaxweyne Trump ku soo rogey Lix wadan oo Muslim ah, halka Madaxweynaha Venezuela si xoog ah uga hortagey mudaharaadyo lagu diidanaa xukunkiisa. Hogaamiyaha dalka Philippines ayaa dilal sharci daro ah u gaystey dad lagu tuhunsan yahay iney ka shaqeeyaan mukhaadaraadka.

Dad gaaraya 20,000 ayaa Madaxweyne Rodrigo Duterto ku diley ololaha uu sheegey inuu kula dagalamayo mukhaadaradka tan iyo June 2016. 

Warbixntaan ayaa sidoo kale lagu sheegey sida dalka Myanmar ugu xadgudbey dadka laga tiro badan yahay ee Rohingya. 

Qaramada Midoobey ayaa horey u sheegtey in arinkaan uu noqon karo xasuuq lagu sameeyo dadkaan.

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM