Madaxwaynihii Mareykanka ee beeraleyda lawska soo noqdey oo dhintay

Image
Jimmy Carter ayaa waxa uu dunida mac-salaameeyay isaga oo da'diisu tahay 100-sano jir.

WASHINGTON, USA - Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter - oo noloshiisa hoose kasoo bilaabay isagoo beeraley laws ah - ayaa dhintay isagoo 100 jir ah.

Hal xilli oo uu xafiiska joogay waxaa ka mid ahaa dhexdhexaadinta heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo u dhexeeya wadamadda kala ah; Masar iyo Israa'iil

Waxa uu usoo joogay dhaqaalaha Maraykanka oo hooseeya a iyo isku dayga xun ee lagu doonayo in lagu soo furto la haystayaashii Maraykanka ee lagu qabtay Iran

Noloshii dambe waxa uu noqday nin aan ka daalin nabadda, deegaanka iyo xuquuqul insaanka, taas oo loo aqoonsaday billadda nabadda ee Nobel Peace Prize 2002-dii.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku tilmaamay Carter inuu yahay nin mabda’ leh, iimaan leh oo aan aqoonin is-hoosaysiin, halka madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu sheegay in dadka Mareykanka ay ku leeyihiin Carter abaal-marin.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in hoggaanka Carter "ay gacan weyn ka geysteen nabadda iyo ammaanka caalamiga ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 02:57PM

Iran Oo Weerar Gantaal Ku Qaadday Xarunta Sirdoonka Israel ee Mossad

Muuqaalladii hore ayaa sidoo kale muujinayay gantaal difaac cirka Israa’iil oo ku dhacay Tel Aviv intii ay socotay isweydaarsiga rasaasta.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 11:33AM