Madaxwaynihii Mareykanka ee beeraleyda lawska soo noqdey oo dhintay

Image
Jimmy Carter ayaa waxa uu dunida mac-salaameeyay isaga oo da'diisu tahay 100-sano jir.

WASHINGTON, USA - Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter - oo noloshiisa hoose kasoo bilaabay isagoo beeraley laws ah - ayaa dhintay isagoo 100 jir ah.

Hal xilli oo uu xafiiska joogay waxaa ka mid ahaa dhexdhexaadinta heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo u dhexeeya wadamadda kala ah; Masar iyo Israa'iil

Waxa uu usoo joogay dhaqaalaha Maraykanka oo hooseeya a iyo isku dayga xun ee lagu doonayo in lagu soo furto la haystayaashii Maraykanka ee lagu qabtay Iran

Noloshii dambe waxa uu noqday nin aan ka daalin nabadda, deegaanka iyo xuquuqul insaanka, taas oo loo aqoonsaday billadda nabadda ee Nobel Peace Prize 2002-dii.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku tilmaamay Carter inuu yahay nin mabda’ leh, iimaan leh oo aan aqoonin is-hoosaysiin, halka madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu sheegay in dadka Mareykanka ay ku leeyihiin Carter abaal-marin.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in hoggaanka Carter "ay gacan weyn ka geysteen nabadda iyo ammaanka caalamiga ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM