Trump oo ka hadlay Askari looga Dilay Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waddanka Maraykanka Donald Trump ayaa si adag uga hadlay Dil Shalay loogu gaystay gudaha Somalia, Askari katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Maraykanka.

Donald Trump, ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay geerida Askarigaas oo uu sheegay inuu gudanayay waajibaad qaran, iyo la dagaallanka Al Shabaab.

Wuxuu Tacsi u diray ehelka Askarigaas katirsan ciidamada Gaarka ah ee xukuumadda Washington, isagoo xusay inay taas dhabar jab ku noqon karin weerarada ka dhanka ah Argagixisada.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu wacad ku maray inuu sii ballarin doono howlgalka dhinaca cirka ah ee lagu qaadayo ururka Al Shabaab.

Waa Askarigii ugu horeeyay ee lagu dilo gudaha Somalia tan iyo 1994-tii, markaasoo Maraykanka Muqdishu looga dilay 18 askari.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegay in askarigaas u dhintay, xilli la talin iyo caawimaad uu siinayay ciidamada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose.

Tallaabadan ayaa timid xilli Bil kahor ciidamado dheeraad ah Maraykanku usoo diray Somalia, si ay u taageeraan howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM