​Madaxweynaha Nigeria oo ku laabtay Abuja

Image

ABUJA, Nigeria- Madaxweynaha dalka Nigeria Mohamadu Buhari ayaa dib ugu laabtay dalkiisa kadib muddo saddex bilood ah oo arrimo caafimaad u joogay waddanka England gaar ahaan magaalada London.

Shacabka dalkaas ee ku nool Abuja ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn iyagoo ku labisan calanka Nigeria islamarkaana ku heesayay suugaan ay kusoo dhaweynayaan madaxweynahooda.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cudubyo katirsan ciidamada qalabka sida dalkaas iyagoo shacabka ugu hamableeyay inuu kusoo laabtay dalka oo nabad ah islamarkaana uu caafimaad qabo.

Socdaalkan ayaa yimid kadib markii uu dhawaan shaaciyay inuu caafimaadkiisu wanaagsanyahay muddo saddex bilood ku dhow oo xaaladiisa lagu jaah wareersanaa.

Shacabka reer Nigeria ayaa mudadii uu ku maqnaa magaalada London ku kala qaybsanaa arrimaha la xariira maqnaanshihiisa, waxaana qayb kamid ah oo mudaharaad dhigay ay dalbadeen inuu xilka iska casilo halka kuwa kale ku doodeen in war lagu qanci karo shacabka laga siiyo xaalada caafimaad ee Madaxweyne Buhari.

Goor sii horaysa Madaxweynaha ayaa sheegay in go'aanka laabashadiisa ay gaari karaan Dhakhaatiirta isagoo xusay inuu mudadii uu xanuunsanaa bartay arrimo ay kamidyihiin in hogaamiyaasha laftigooda loo talin karo.

Madaxweyne Buhari ayaa  xafiiska la wareegay bishii May 2015 kadib markii uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas hase ahaatee waxaa maamulka dalkaasi sii hayay saddexdii bilood ee ugu dambeysay ku xigeenkiisa Osinbajo.

Tan iyo bishii June 2016 waxaa soo baxayay warar sheegaya in caafimaadka Buhari uusan wanaagsanayn waxaana uu markaas u tegey magaalada London baaritaan, iyadoo kaaliyaashiisa ay ku sheegeen sababaha uu u tegey in ay tahay xanuun ka haya dhegaha.

Afhayeenka Madaxtoyada dalka Nigeria ayaa sheegay in subaxnimada isniinta uu Khudbad u jeedin doono Madaxweyne Buhari Barlamanka dalka Nigeria.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM