Madaxweynaha South Korea oo xilka laga qaadey

Image

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa xilka looga xayuubiyey mooshin kadib markii uu muddo kooban geliyay dalka xaalad dagaalka, iyadoo laba iyo toban xildhibaan oo ka tirsan xisbigiisa ay ku biireen mucaaradka si ay mooshinka ugu gudbiyaan baarlamaanka qaranka.

Mooshinka xil ka qaadista ayaa lagu meel mariyay cod dhan 204. Saddex xildhibaan ayaa ka aamusay, waxaana lagu dhawaaqay in siddeed cod ay xumaadeen.

Yoon ayaa ka badbaaday isku daygii ugu horreeyay ee xil ka qaadis todobaadkii hore. Markan, si kastaba ha ahaatee, xubno ku filan ayaa la helay, iyadoo codeysay saddex-meelood laba meel baarlamaanka 300 xubnood ka kooban. Mucaaradka uu hogaamiyo xisbiga Dimuqraadiga ayaa gacanta ku haya 192 kursi ee baarlamaanka ah.

Yoon wuxuu u muuqday inuu lumiyay taageerada qaar ka mid ah xulafada, oo uu ku jiro hogaamiyaha PPP Han Dong-hoon. Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan i dhiibi doonin, oo sii wadi doono dagaalka siyaasadeed ee uu uga hortagayo xilka qaadista.

Maxkamadda dastuuriga ayaa mudo 180 maalin go'aan kama dambeysay ah uga gaari doono mustaqbalka Madaxweyne Yoon oo sidoo kale wajahaya baaritaanno dambiyeedyo la xiriira khiyaano qaran iyo ku takri fal awoodeed, waxaana laga mamnuucay inuu dalka ka baxo.

Waa Madaxweynihii 2aad oo xilka Mooshin looga qaado South Korea inta la ogyahay taariikhda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM