Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqaya Canshuur cusub

Image

Washington — Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii sheegay in Isniinta maanta ah uu ku dhawaaqi doono tacriif ama canshuur kordhin gaareysa 25%, taas oo uu dul saari doono biraha iyo jaandiga loo soo dhoofiyo Mareykanka.

Trump, oo saxafiyiinta kula hadlayay diyaaradda madaxweynaha Mareykanka ee Air Force One, ayaa sidoo kale sheegay inuu ku dhawaaqi doono canshuuraha isdhaafsiga Talaadada ama Arbacada, si ay u dhaqan galaan ku dhawaad isla markiiba.

Trump ayaa muddo xileedkiisii koowaad sidan oo kale 25% canshuur ah saaray biraha, halka uu 10% ku kordhiyay tacriifta jaandiga ama aluminiumta. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe wuu ka khafiifiyay canshuurta biraha iyo aluminiumta ay soo dhoofiyaan Canada, Mexico, iyo Brazil.

Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu sare u qaadi doono canshuurta isdhaafsiga, taas oo kor u qaadi doonta xaddiga tacriifta Mareykanka si ay ula simmaan dhinacyada ay ganacsatada Mareykanka wax isweydaarsadaan. Todobaadkan ayaa la filayaa in arrintaasi la billaabo.

Madaxweynaha ma uusan magac-dhabin dalalka uu ku billaabi doono canshuur kordhintan.

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM