​Madaxweynihii hore Brazil oo xabsi 9 ah lagu xukumay

Image

Maxkamad ku taala dalka Brazil ayaa sagaal sano oo xarig ah ku xukuntay madaxweynihii hore ee Brazil Lula da Silva. Waloow qareenkiisa uu sheegay unii racfaan ka qaadanayo xukunkaasi.

Waxaa lagu eedeeyey oo loo haystaa musuqmaasuq iyo wax isadabamarin,Luiz da Silva waa uu diiday dambigan ah inuu galay oo uu dhacay hanti dalku uu lahaa.

Dambiyada kale ee lagu xiray madaxweynihii hore ee Brazil waxaa kaloo ka mid ah wax isadabamarin. Lula Da Silva waxaa kaloo uu sheegay inay dambiyadan lagu soo oogay ay yihiin kuwo la siyaasadeeyey.

Dacwooyinkan ayaa markii hore ahaa ilaa shan dacwo oo ku lug leh musuqmaasuq. Madaxweynihii hore Lula da Silva ayaa dalkaasi Brazil soo xukumayay mudo sided sano ah.

Maalintii arbacada ahayd ayaa lagu hellay inuu Da Silva uu qaatay laaluush xilligii dalka u ka telinayay.

Sadaxdii madaxweyne ee ugu dambeeyey ee Brazil ayaa lagu eedeeyey dacwooyin musuqmaasuq la xiriira. Madaxweynaha hadda xilka haya Michel Temer ayaa isagana dacwado ay ku socdaan.

Waxaa sidoo kale jira siyaasiyiin badan oo xisbiyada ka tirsan oo iyagana la baarayo.

BBC

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM