Madaxweynihii Romania oo is-casilay

Image

ROMANIA - Madaxweynaha Romania, Kala'uus Iohanis, ayaa is casilay kadib dadaal ballaaran oo ay sameeyeen xisbiyada ku jira baarlamaanka ee midigta fog kadib doorasho muran badan dhalisay.

Iohannis oo 65 jir ah, ayaa ku dhawaaqay go'aankiisa Isniintii maanta ah, kadib cadaadis sii kordhaya oo ka yimid kooxaha mucaaradka ee dalkaas Romania.

Is-casilaadiisa ayaa timid laba bilood ka dib markii maxkamad sare ay baabi'isay doorashadii madaxweynenaha kadib eedeymo ku saabsan faragelin Ruush ah, iyo kadib markii musharrax aan hore loo aqoon oo midigta fog ka tirsan uu guul lama filaan ah ka gaaray wareegga koowaad.

Bishii hore, kumanaan Ruumaaniya ah ayaa ku soo baxay waddooyinka iyaga oo ka qeyb galay dibadbaxyo ay soo qabanqaabiyeen xisbiyada midigta fog oo qaar ka mid ahna dalbanayay in Iohannis is casilo.

Bishan Jan, saddex xisbiga mucaaradka ee midigta fog, oo gacanta ku haya qiyaastii 35 boqolkiiba baarlamaanka, ayaa soo gudbiyay mooshin ay ku dalbanayaan in Iohannis la canaanto.

Madaxweynaha Romania ayaa is casilay kadib cadaadis ka yimid xisbiyada mucaaradka ee midigta fog, iyadoo doorashada madaxweynaha ee December 2024 la baabi'iyay kadib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira faragelinta Ruushka.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa ku hanjabay mooshin inay ka keenayaan Madaxweynaha, xili xiisada siyaasadeed ee Romania ay sii xoogeysatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM