Maraykanka oo digniin cusub kasoo saaray safarka Jabuuti

Image

November 26, 2014 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtey inay u safraan dalka Jabuuti digniintaas oo noqoneysa tii labaad ee sanad gudihiis Maraykanku kasoo saaro dalka Jabuuti.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in macluumaad dhanka sirdoonka ah oo la helay muujinayaan weeraro argagixiso oo la qorsheynayo in lala beegsado bartilmaameedyo Maraykan ah iyo kuwo kale oo reer galbeed ah.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in weerarrada argagixisadu qorsheynayso isugu jiraan qaraxyo ismiidaamin ah iyo kuwa baabuurta lagu xiro, weerarradaas oo suurogal tahay in lagu qaado xarumaha safaaradaha, saldhigyada ciidamada iyo weliba bartil-maameedyada jilicsan sida hoteelada, baararka iyo goobaha laga dukaameysto.

Bishii May ee lasoo dhaafay hal qof ayaa ku geeriyoodey tiro kalena way ku dhaawacmeen weerar labo qof oo isa soo miidaamiyey la beegsadeen maqaayad dadka reer galbeedka ahi inta badan fariistaan oo ku taalla bartanka magaalada Jabuuti.

Dowladda Maraykanka ayaa horay sidan oo kale muwaadiniinteeda uga digtey inay u safraan dalka Kenya oo laga soo bilaabo sanadkii 2011 falal ammaanka liddi ku ahi ka dhacayeen dad badan oo ajnebi ahaana lagu afduubtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM