Maraykanka oo Israel kasoo daadgureeyay shaqaale iyo qoysaskooda ka tirsan safaaradda 

Image

WASHINGTON — Dowladda Maraykanka ayaa Jimcihii daadgureysay 79 qof oo isugu jira shaqaalaha safaaradda iyo qoysaskooda kana tirsanaa safaaradda Maraykanka ee Israa’iil, xilli uu sii xoogeysanayo iska horimaadka u dhaxeeya Israa’iil iyo Iran, isla markaana ay kor u kacayaan tirada muwaadiniinta Maraykanka ee dalbanaya macluumaad ku saabsan sidii ay uga bixi lahaayeen Israa’iil ama Iran.

Sida lagu sheegay qoraal gudaha ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, duulimaad militari oo labaad oo toddobaadkan la xaqiijiyay ayaa ka baxay magaalada Tel Aviv isagoo ku wajahan magaalada Sofia ee dalka Bulgaria, halkaas oo rakaabka qaarkood ama dhammaantood laga sii raacin doono diyaarad khaas ah oo u socda Washington.

Dukumiintigaan, oo ay heshay wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa sidoo kale muujinaya in in ka badan 6,400 muwaadin Maraykan ah oo ku sugan Israa’iil ay kaliya maalintii Jimcaha ah buuxiyeen foom online ah oo lagu codsanayo in lagu wargeliyo haddii dowladda Maraykanku ay qabanayso duulimaadyo daadgurayn ah.

Sidoo kale, 3,265 qof oo dheeraad ah, qaar ka mid ahna laga yaabo inay sidoo kale foomka buuxiyeen, ayaa la xiriiray lambarka degdegga ah iyaga oo dalbanaya caawimaad.

Dowladda Maraykanka wali si rasmi ah ugama aysan dhawaaqin qorshe guud oo daadgurayn ballaaran ah, balse xogaha ayaa muujinaya koror weyn oo ku yimid baahida muwaadiniinta Maraykanka ee doonaya inay ka baxaan gobolka ay dagaalladu ka socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM