Maraykanka oo ka digay weerarada Burcad-badeeda Soomaalida

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Mareykanka ayaa ka digaysa  in kooxaha burcad badeedka ay ku soo laabtaan biyaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya, xilli muddooyinkii dambe ay jireen weeraro ka dhacay xeebaha waddanka iyo meelo ka baxsan intaba.

Maraykanka ayaa aaminsan in arrimaha hadda socda yihiin kuwa aan lahayn jid iyo jiho loo raaco, balse abuuri kara khal khal dhinac socdaalka badda ah, taasoo uu ku baaqay in wax laga qabto.

Shir jaraa,id oo ay si wada jir ah shalay ugu qabteen dalka Jabuuti xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis iyo taliyaha ciidamada waddankaas ka jooga Africa ayay ku sheegeen in ay jireen cabsi ku aadan soo laabashada weerarada Burcaddu ka gaysan jirtay biyaha Somalia iyo waliba kuwa ka baxsan.

Waxay qireen in dhowrki todobaad ee lasoo dhaafay ilaa iyo lix weerar ay ku qaadeen maraakiib ganacsi.

Xog-hayaha difaaca USA, ayaa tilmaamay in hadii ay sii socdaan falalkan uusan fileyn in taasi ay sababi doonto in Mareykanka uu qaado tallaabo weyn oo dhinaca milatariga ah.

Weeraradan cusub ayaa imanaya kadib shan sano oo uu gobolka ka nastay falalkii afduubka iyo madax furashada isugu jiray ee kooxaha burcad badeedka ay gaysan jireen kuwaasoo gaaray heerki ugu xumaa gaaray inti u dhaxeysay sanadihii 2010-2012-kii.

Arrintaasi waxay keentay in ciidamada badda Mareykanka iyo kuwa Midowga Yurub qaadaan olole weyn oo ka dhan ah kooxahaas, kuwaasoo keenay in markii dambe la ciribtiro.

GAROWEONLINE


Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM