Maraykanka oo sheegtay dilka sarkaal katirsan Daacish

Image

War kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Maraykan ayaa lagu sheegay in ciidamada dalkaas oo howgal toos ah ka sameeyay gudaha Suuriya ay dileen hogaamiye sare oo katirsan ururka la magac baxay Daacish.

Sida uu baahiyay afhayeenka Pentagon-ka, John Thomas, weerarkaas waxaa lagu dilay kaaliyihii hogaamiyaha kooxdaas Cabduraxmaan al-Uzbeki.

Wuxuu aad ugu dhawaa oo xiriir hoose lahaayeen hogaamiyaha kooxda la baxday Dawladda Islaamka, Abu Bakr al-Baqdaadi.

Ninkan ayaa wasaaraddu sheegtay in la dilay lixdii bishan Abriil laakiin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah ma bixin afhayeenku.

Pentagon-ka ayaa ku eedeeyay Al-Uzbeki inuu ku lug lahaa qorshaynta weerarkii lagu qaaday xarun caways oo ku taal Istanbul horraantii sannadkan oo lagu dilay ugu yaraan 9 qof.

Dalka Suuriya, waxaa jooga in kabadan boqol ciidamada gaarka ah ee dalka Maraykanka, kuwaasoo qorshahoodu yahay inay talo siiyaan kooxaha mucaaradka.

Waxaa lagu eedeeyaa inay sameeyaa howl gallo naadir ah, iyagoo aan wax muhiimad ah iska saarin kooxda Daacish oo dib ku haysa bariga dhexe.

Maaha markii ugu horaysay oo dowladda Maraykanku sheegato mas’uuliyadda weerar lagu dilay sarkaal sare oo katirsan kooxda Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM