Mareykanka: Dowladda Soomaaliya waxay ka laabatay Go'aankii Baasaboorka Taiwan 

Image

MUQDISHO – Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka qaaday xayiraadda baasaboorka Jaziiradda Taiwan, taasoo fursad u furaysa booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Taiwan ku tegi doono Somaliland.

“Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Soomaaliya ay kaga noqotay xayiraadda, isla markaana ay dib ugu aqoonsatay baasaboorka Taiwan,” ayuu yiri Roy Fitrell, oo ah Mas’uulka Sare ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, mar uu ka hadlayay Aqalka Sare ee Mareykanka.

Fitrell ayaa uga digay dowladaha isku dayaya inay faragelin ku sameeyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Taiwan, in ay halis ugu jiraan inay dhaawacaan xiriirka ay la leeyihiin Washington.

Go’aankan wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay xiisad xooggan u dhaxeyso Mareykanka iyo Shiinaha, oo ah dowlad si dhow ula shaqeysa Soomaaliya. Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeeda wax xiriir ah oo lala yeesho Taiwan, oo uu u arko gobol ka go’ay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya wali si rasmi ah uma xaqiijin hadalka diblomaasiga Mareykanka ee ka noqoshadda xayiraadda baasaboorka Taiwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM