Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Image

Geneva – Sida lagu sheegay heshiis ganacsi oo lagu gaaray magaalada Geneva, Mareykanka ayaa oggolaaday inuu hoos u dhigo canshuuraha uu ku soo rogay badeecadaha Shiinaha, isaga oo ka dhigay 30% halkii ay hore uga ahaayeen 145%.

Dhanka kale, Shiinaha ayaa isna heshiiska qaybtiisa ku waafaqay inuu yareeyo canshuuraha uu ku soo rogay badeecadaha laga keeno Mareykanka, kuwaasoo laga dhigay 10% halkii ay hore uga ahaayeen 125%.

Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo yareynaya xiisadda ganacsi ee u dhaxeysay labada quwadood ee dhaqaale, taasoo si weyn u saameysay dhaqaalaha dunida tan iyo 2018-kii. Mudo 90 maalmood ayay soconaysaa hoos u dhiga canshuuraha.

Asalka Xiisadda Canshuuraha

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump oo ku eedeeyay Shiinaha in uu ku kacayo dhaqan ganacsi aan cadaalad ahayn, xatooyo xagga hantida aqooneed ah, iyo inuu si khasab ah uga helo sirta farsamada shirkadaha reer galbeedka.

Trump wuxuu sare u qaaday canshuuraha badeecooyin kala duwan oo laga keeno Shiinaha, taasoo keentay in Shiinaha uu si lamid ah uga falceliyo, isagoo canshuuro badan dul dhigay waxyaabaha laga dhoofiyo Mareykanka sida soya, qalabka farsamada, iyo baabuurta.

Xiisaddan ayaa sababay hoos u dhac ku yimid ganacsiga labada dal iyo walaac weyn oo ka dhashay suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa saamiyada iyo warshadaha.

Rajo Cusub

Heshiiskan cusub ee lagu gaaray Geneva ayaa noqonaya isbedel weyn oo rajo gelinaya suuqyada caalamka iyo ganacsatada, iyadoo la filayo inuu dib u soo nooleeyo xiriirka dhaqaale ee labada quwadood, islamarkaana hoos u dhigo khilaafaadka ganacsi ee weli taagan.

Weli lama faahfaahin dhammaan qodobbada heshiiska, balse saraakiil ka tirsan labada dal ayaa sheegay in wadahadaladu ay sii socon doonaan si loo gaaro xasillooni buuxda oo ganacsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM