Mareykanka iyo South Korea oo ka hadlay Tijaabada hubka North Korea

Image

Kuuriyada Koofureed ayaa sheegeysa inay tijaabisay gantaal iyadoo ka jawaabeysa tijaabadii hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi . Shiinaha iyo Ruushka ayaa iyaguna walaac ka muujiyay falka Kuuriyada Waqooyi.

Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa ku cambaareeyay Kuuriyada Waqooyi tijaabadeedii ugu dambeysay ee hubka nukliyeerka - wuxuuna uga digay in Mareykanku uu joojin doono xiriirka ganacsi ee dal walba oo xiriir la leh Kuuriyada Waqooyi.

Shiinaha oo ah saaxiibka ganacsi ee ugu weyn ee ay leedahay Pyongyang, ayuu Trump ugu yeeray waqooyiga inay khatar ku tahay Beijing. Mar ay weriyeyaashu weydiiyeen haddii Mareykanku uu weerari doono Kuuriyada Waqooyi, ayuu Trump sheegay in laga war dhowro waxa dhici doona.

Kaddib hadal gaaban oo uu madaxweynuhu jeediyay, ayaa xoghayaha gaashaan-dhigga Mareykanka James Mattis wuxuu sheegay in Mareykanku uu ajwaab milatari ka bixin doono khatar walba oo Mareykanka ku wajahan, geyigiisa iyo xulafadiisaba.

Source: Agencies 

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM