Mareykanka iyo Turkiga oo qarka u saaran inuu dagaal ku dhex maro Syria

Image

Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ka digay hakad ku yimaada xiriirka Maraykanka iyo Turkiga waa haddii uu Maraylkanka joojiyo hubka uu ka iibiyo Turkiga.

Sharci yaqaanada ayaa ka walaacsan suurta galinmada ah in uu gudaha suuriya dagaal ku dhex maro labada dal sababtoo ah Mareykanka waxa uu taageero siiyaa xoogagga Kurdiyinta halka Turkigana uu u aqoonsanyahay in ay yihiin arggagixiso.

Aqalka looga arrimiyo Mareykanaka ayaanan si fudud u ogolaan doonin in Turkiga laga iibiiyo hub kala duwan oo uu dalbaday.

Mevlut Cavusoglu ayaa telefishinka qaranka ee Turikiga u sheegay in aysan ku habooneyn inay isbaheysi lasii ahaato ururka NATO.

Turkiga ayaa Mareykanka ka doonayo in uu ciidamdiisa ku sugan magaalada Manbij uu kala baxo si ay u weeraraan dagaalyanada kurdiyiinta.

Balse xubnaha labada aqal ee Mareykanka ayaa walaacsan tan iyo markii waardiyaha qaaska ah ee madaxweyne Recep Tayyip ay ku dibedbaxaayaal ku garaaceen magaalada Washington sanad ka hor.

Dhacdadaasi ayaa Mareykanka ku dhiira galisay in ay hakiyaan hubka uu Turkiga ka dalbaday.

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM