Mareykanka: Khasaaraha Dabka Los Angeles oo sii kordhaya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

LOS ANGELES — Kooxaha dab-damiska ayaa si dar dar leh Axaddii shalay ilaa xalay u sii waday la dagaallanka dab xoog leh oo muddo lix maalin oo xiriir ah ka socda qeybo ka mid ah magaalada Los Angeles, gobolka California ee dalkaan Mareykanka.

Dab-damiska ayaa xoogga saaraya laba dab oo waaweyn oo ka ololaya galbeedka iyo bariga, ka hor inta aysan billaaban dabeylo laga cabsi qabo in ay uga sii daraan ololka dabka hadda socda.

Dabka oo maanta oo Isniin ah galay maalinti todobaad, ayuu guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom Axaddii sheegay in ugu yaraan ay ku dhinteen 24 qof. Wuxuu intaasi ku daray in kumannaan guri ay basbeeleen, halka 100,000 oo qof ay barakaceen.

Xaafadaha uu dabka baab’iyay ayaa waxaa ku jiray kuwo ay ku yaalleen guryo ay daganaayeen dad hodon ahaa. Saraakiishu waxay sheegeen in ilaa 12,000 oo guri ay gubteen.

Diyaaradaha iyo gaadiidka dab damiska ayaa ka qeybgalaya halganka loogu jiro in dabkani la damiyo. Saraakiisha ayaa ka digay in dhammaan shacabka ku nool Los Angeles iyo hareeraheeda oo lagu qiyaaso ku dhawaad 10 milyan ay suuragal tahay in lagu amro in ay guryahooda ka baxaan.

Guddoomiyaha California, Newsom ayaa u sheegay telefishanka NBC News in dabkan uu u muuqdo masiibo dabiici ah tii ugu xumeyd ee soo marto taariikhda Mareykanka, marka loo fiiriyo khasaaraha hantiyeed.

Hey’adda gaarka loo leeyahay ee saadaasha hawada ee AccuWeather ayaa ku qiyaastay khasaaraha hantiyeed ee uu dabkani muddo todobaad ah Los Angeles u geystay, lacag dhan $135 ilaa $150 bilyan oo dollar.

Related Articles

Abdul El-Sayed oo noqday Muslimkii ugu horreeyay ee loo doorto Aqalka Sare ee Maraykanka

El-Sayed, oo ay dhaleen waalidiin muhaajiriin Masri ah, ayaa hore uga soo shaqeeyay maamulka caafimaadka dadweynaha.

  • Caalamka

    04-11-2026

  • 09:09AM

Trump oo ku dhawaaqay in Mareykanku joojinayo kaalmada milatari ee Israa'iil

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in joojinta kaalmadu aysan ka dhignayn in xiriirka milatari ee labada dal dhammaanayo.

  • Caalamka

    03-11-2026

  • 08:52PM