Mareykanka oo China ku eedeeyay weerar dhanka internet-ka ah

Image
Falkan ayaa lagu beegsaday nidaamka Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka horaantii bishan.

WASHINGTON, USA - Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hacker-ka ay dawladda Shiinuhu taageerto uu jabsaday nidaamka Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka horaantii bishan.

Sidda ay sheegeen saraakiishan, hacker-ka ayaa dhex-galay nidaamka isaga oo qaatay macluumaadka shaqaalaha iyo qaar ka mid ah dukumeentiyada xasaasiga ah.

Waaxda Maaliyadda ayaa falkan waxa ay ku tilmaamtay "xadgudub weyn" ka dib markii ay ku shaaciyeen warqad ogeysiin sharci-dajiyayaasha dhacdada.

Hay’addan sida weyn looga tixgeliyo Maraykanka ayaa sheegtay inay kala shaqaynaysay FBI-da iyo hay’ado kale, si loo baaro saamaynta ay ku yeelatay jabsiga.

Shiinaha ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay weerarka, isagoo eedeynta ku tilmaamay eedeynta "mid aan sal iyo raad toona lahayn" wuxuuna sheegay "inay si joogto ah uga soo horjeedo dhammaan noocyada jabsiga".

Talaabadan ayaa waxay tahay xadgudubkii ugu dambeeyay ee heerkan gaarsiisan h iyo jebinta hay'adaha Mareykanka ee lagu eedeeyo burcadda basaaska Shiinaha.

Eedeyntan ayaa waxay daba socotaa jabsiga kale ee shirkadaha isgaadhsiinta bishii Diseembar taasi oo suurtagal ah inay jabiso xogta diiwaanka taleefoonka ee guud ahaan bulshada Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM