Mareykanka oo difaacay mowqifkiisa dacwada laga gudbiyay hogaanka Yahuuda

Image
Washington ayaa sheegtay in aysan isku dhigmin kiiska laga gudbiyay Yahuuda iyo midka ka dhanka ah Ruushka.

WASHINGTON, USA - Matthew Miller, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya jawaabta Washington ee Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ee soo xiritaanka saraakiisha Ruushka iyo Israel.

"Uma maleynayo in ay jirto wax u dhigma kiiska ay ICC ku soo bandhigtay Ruushka iyo kiis ay ku soo oogtay Israa'iil," Miller ayaa u sheegay suxufiyiinta.

"Ruushka ma aha dimoqraadiyad, ma laha nidaam sharci oo madax banaan oo shaqeeya, ma baarayo xadgudubyada sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada ee askartiisa," ayuu yidhi.

"Israa'iil waa ka soo horjeeda dhammaan kiisaskaas: dimuqraadiyad leh nidaam maxkamadeed oo madax-bannaan oo leh boqollaal kiisas furan oo lagu eedaynayo askarteeda."

Faallooyinka ayaa yimid iyadoo Mareykanka uu wajahayo dhaleeceyn isa soo tareysa oo ku saabsan u janjeerta hannaanka sharciga ee Israa’iil, in kasta oo askarta Israa’iil aysan waligood maxkamad lagu soo oogin anshax-xumo, oo ay ku jiraan dilalka muwaadiniinta Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo La Filayo Inuu Xilka Ka Qaado Lataliyihiisa Amniga Qaranka Michael Waltz

Michael Waltz, oo horey xildhibaan uga soo noqday gobolka Florida, ayaa…

  • Caalamka

    01-05-2025

  • 03:30PM

Sacuudiga oo ka Joojiyay Soomaaliya Fiisaha Cumrada 

Joojinta kumeel gaarka ah waxay khusaysaa dadka codsanaya fiisayaasha Cumrada iyo booqashada qoyska.

  • Caalamka

    29-04-2025

  • 08:01AM