​Mareykanka oo fahfaahin ka bixiyay weerar ka dhacay Somalia

Image

NAIROBI, Kenya- Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa ka warbixiyay Duqeyn cirka ah oo Khamiistii aynu soo dhaafnay lala beegsaday Saldhig kooxda Al Shabaab ku leedahay Koonfurta Somalia.

Afhayeenka AFRICOM Mark Cheadle, ayaa xusay in Labo Diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ay fuliyeen howlgalka oo ka dhacay deegaanka Kuunya Barrow, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Mark Cheadle ayaa intaasi ku daray in Duqeynta ay ahayd mid qorsheysan oo ay ka gacan siiyeen Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Weerarka waxaa daba socday dagaal toos ah, oo dhulka ka dhacay kaasi oo dhexmaray Ciidamada Kumaandooska Somalia, oo garab ka helaya kuwa Mareykanka iyo Dagaalyahanada Al shabaab.

Mark Cheadle waxuu intaas ku daray inay maxaabiis kasii daayeen xabsi Al shabaab ku leedahay deegaanka Kuunya Barrow, isagaa intaasi ku daray inaysan jirin wax khasaaro ah oo dhankooda soo gaarey.

Al shabaab oo ka hadlaysay howlgalkaas ayaa sheegtay inay iska caabiyeen weerarka ay kusoo qadeen Ciidamada AMISOM, kuwa Kumaandooska Dowladda Federaalka oo garabsanaya Askarta Mareykanka.

Horaantii bishan ayaa sidan oo kale Mareykanka u weeraray Saldhiga Al shabaab ee degmada Saakow, oo ku taalla gobolka Jubbada Dhexe, kaasi oo wali aan la shaacin khasaaraha ka dhashay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM