Mareykanka oo Fiisooyinka u diiday Ardayda Shiinaha, Xiisad Cusub oo Ka Dhex Oogan Labada Dal

Image

WASHINGTON - Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu bilaabi doonto tallaabo adag oo ay si "xoogan" uga laabanayso fiisooyinka ardayda u dhashay Shiinaha, gaar ahaan kuwa xiriir la leh Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) ama dhigta culuumta muhiimka u ah dalkaas.

Go'aankan ayaa dhaliyay fal-celin xooggan oo ka timid dowladda Shiinaha. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Mao Ning, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu si "cadaalad-darro ah" u baabi'inayo fiisooyinka ardayda Shiinaha isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya "ammaanka qaranka iyo fikir siyaasadeed."

“Hanaanka siyaasadaysan ee fiisooyinka loo baabi’inayo wuxuu banaanka keenayaa laba-wajeyntii Mareykanka ee ku saabsan xorriyadda iyo furfurnaanta, wuxuuna dhaawac weyn u geysanayaa sumcadda iyo kalsoonida caalamiga ah ee Mareykanka,” ayay tiri Mao Ning.

Shiinaha ayaa ah dalka labaad ee ugu badan ardayda caalamiga ah ee wax ka barata Mareykanka, iyadoo uu kaalinta koowaad hayo Hindiya. Si kastaba ha ahaatee, tirada ardayda Shiinaha ayaa hoos u sii dhacaysay sanadihii u dambeeyay sababo la xiriira kororka xiisadda labada dal iyo carqaladihii uu keenay faafitaanka cudurka Covid-19.

Intii lagu jiray sanad-dugsiyeedka 2023-24, ku dhowaad 277,000 arday Shiine ah ayaa ku sugnaa jaamacadaha Mareykanka, halka ay ka badnaayeen 370,000 arday sanadkii 2019. Dhanka kale, tirada ardayda Mareykanka ah ee wax ka barata Shiinaha ayaa si aad ah u yaraatay – iyadoo sanadkii la soo dhaafay ay ahayd qiyaastii 800 oo kaliya, marka loo eego iney mar gaartay 15,000 arday sanadkii 2014.

Tallaabadan cusub ee Mareykanka ayaa laga yaabaa inay sii huriso xiisadda siyaasadeed, dhaqaale, iyo waxbarasho ee u dhaxeysa labada quwadood ee Mareykanka iyo Shiinaha. Beijing waxay uga digtay Washington inay ka fiirsato go’aannada noocan oo kale ah, kuwaas oo ay ku sheegtay inay dhaawacayaan xiriirka labada waddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo Ka Tegay Maamulka Trump, Kaddib Muran Siyaasadeed iyo Dhaliil Cusub

Mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad, kaas oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa xaqiijiyay in Musk uu ka tegay Waaxda DOGE.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:08PM

Putin oo aag laga ilaaliyo amniga Ruushka ka sameynaya xuduudda Ukraine

Dhanka kale, Khamiistii, gobolka Kursk ayaa markale la weeraray. Sida uu sheegay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee gobolka.

  • Caalamka

    26-05-2025

  • 04:44AM