Mareykanka oo ka caroodey Xabbad-joojin laga sameyn lahaa Gaza

Image

Gaza – GO – Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa si kulul u cambaareeyay jawaabta ururka Falastiiniyiinta ee Hamas ka bixiyay hindisaha xabbad-joojin cusub oo la xiriira dagaalka ka socda Marinka Gaza, isagoo ku tilmaamay mid “aan la aqbali karin, isla markaana dib inoo celineysa”.

Witkoff, oo qoraal ku daabacay barta X (hore Twitter), ayaa sheegay in Hamas looga baahnaa inay aqbasho qaab-dhismeedka heshiiska ay Mareykanku soo jeediyeen, kaasoo uu sheegay in uu saldhig u noqon karo wada-hadallo dhawaan si rasmi ah u bilaaban kara.

“Hamas waa inay aqbashaa hindisaha aan soo bandhignay si wada-hadallada dhow loo bilaabo toddobaadkan,” ayuu yiri Witkoff. “Kaliya sidaas ayaa suuragal ku noqon karta in heshiis xabbad-joojin ah oo 60 maalmood ah lagu soo gabagabeeyo maalmaha soo socda, iyadoo kala bar maxaabiista nool iyo kuwa geeriyooday la celin doono qoysaskooda.”

Witkoff ayaa intaas ku daray in wada-hadallo dhab ah oo lagu qabto goobta la isku dhowyahay ay fursad siin karaan heshiis rasmi ah oo xabbad-joojin ah oo waqti dheer ah.

Dhanka kale, sida aan horey u baahinay, ururka Hamas ayaa sheegay inuu gudbiyay jawaab rasmi ah oo la xiriirta hindisaha xabbad-joojinta. Hamas waxay ogolaatay in 10 Israa’iiliyiin ah oo gacantooda ku jira oo nool lasii daayo, iyadoo sidoo kale la celin doono meydadka 18 qof, si is-weydaarsi loogu sameeyo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’iil.

Bayaanka Hamas ayaa sidoo kale xusay in jawaabtooda ku saleysan tahay rabitaanka xabbad-joojin buuxda, ka bixitaanka dhammaan ciidamada Israa’iil ee Gaza, iyo xaqiijinta in gargaar bani’aadamnimo si buuxda uga gudbo xayiraadda saaran gobolka.

Is-mari-waaga cusub ayaa imaanaya iyadoo beesha caalamka ay dadaal ugu jirto in la helo heshiis nabadeed oo joogto ah, xilli xaaladda bani’aadamnimo ee Gaza ay sii xumaaneyso.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM