Mareykanka oo ka laabtay $10 milyan oo dul-dhigtay madaxa Hogaamiyaha Suuriya

Image

DIMISHIQ - Mareykanka ayaa meesha ka saaray 10 milyan oo dollar oo abaal marin ah oo la saarey madaxa hogaamiyaha Suuriya ka dib markii wafdi heer sare ah oo Mareykan ah ay la kulmeen Jimcihii shalay.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Bariga Dhexe Barbara Leaf, oo ka mid ah saddex sarkaal oo Maraykan ah oo la fadhiistay Ahmad al-Sharaa magaalada Dimishiq, ayaa ku tilmaantay go'aanka "siyaasadda cusub" oo la jaan qaadaysa baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo "arrimaha muhiimka ah" sida la dagaallanka argagixisada. .

Al-Sharaa waa hogaamiyaha kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS).

Kulanka Al-Sharaa, oo loo yaqaano Abu Mohammad al-Jolani, ayaa hoosta ka xariiqay dadaalka degdegga ah ee Mareykanka uu ku doonayo inuu kula macaamilo dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya si loo hubiyo in dalkaasi uusan dib ugu soo laaban Daacish taasoo saraakiisha Mareykanka ay ka digeen inay isku dayaan inay dib isu abaabulaan.

Beesha caalamku waxay sidoo kale ku degdegtay inay taageerto mabaadi'da loogu talagalay in lagu hago dawladda cusub ee Suuriya, taas oo calaamad u ah ka bixitaanka xukunka arxan darada ahaa ee Bashaar Al-Asad.

Leaf waxay ku tilmaantay kulankoodii Dimishiq mid "aad u wanaagsan." Ilo kale oo xog-ogaal u ah kulanka ayaa sheegay in uu socday wax ka yar laba saacadood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM