Mareykanka oo kahor-yimid go'aanadda Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliya

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah uga hor-timid natiijada ka soo baxay shirkii dhowaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ee Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliya, kaasoo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland, oo xubno ka ah nidaamka Federaalka ah dalka, ahna saamileyd mug leh.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay maqnaanshaha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in go'aan kasta oo aan u dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrimaha federaalka iyo nidaamka doorashooyinka Soomaaliya noqon doono mid sharci-darro ah.

Bayaanka ayaa lagu yiri: “Dhammaan saamileyda waa in ay fursad u helaan in ay ka qaybqaataan go’aamada la xiriira isbedellada nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Go'aanno aan lagu dhisin heshiis loo dhan yahay waxay luminayaan sharciyada, waxayna carqaladeyn karaan amniga iyo la dagaalanka argagaxisadda.”

Dowladda Maraykanka ayaa si gaar ah uga digtay in la qaato go'aanno siyaasadeed oo aan lagu salayn wada-tashi qaran oo dhameystiran, iyadoo xustay in taasi ay dhaawici karto dadaallada dib-u-heshiisiinta, xasilloonida siyaasadeed, iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Ka qeyb-gal la'aanta Puntland iyo Jubaland ayaa laga dareemay miisaanka shirkii Gollaha Wadatashiga Qaran, waxaana taasi dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan kalsoonida iyo sharciyadda natiijooyinka la gaaray, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Maraykanku wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan wada-hadallada siyaasadeed oo ay ku dhisaan kalsooni iyo daahfurnaan, si loo gaaro hannaan siyaasadeed oo ay dhammaan daneeyayaasha ku mideysan yihiin.

Lama oga jawaabta dowladda Soomaaliya ka bixin doonta war-saxaafadeedka erayda adag ku qoran ee kasoo baxay Mareykanka, kaasoo dhabar-jab ku ah war-murtiyeedka laga soo saarey Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM