Mareykanka: Weerarkii labaad oo saacado gudahooda dad lagu dilay

Image
Weerarkii hore ayaa dhacay habeenkii koowaad ee sanadka cusub 2025 iyadda oo dadka ay dabaaldagayeen.

WASHINGTON, USA - Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday Nightclub ku yaalla magaalada New York, iyadoo khasaaraha weerar kale oo baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay New Orleans uu gaarey 15 qof.

Waa Weerarkii 2aad oo saacado gudahooda ka dhacay Mareykanka tan iyo shalay.

Ugu yaraan 30 qof ayaa dhaawacmay markii uu nin watay baabuur uu biiray dad badan oo ku sugnaa Waddada New Orleans ee Bourbon Street ee dalka Mareykanka.

Toban qof ayaa sidoo kale la dilay, sida ay sheegtay NOLA Ready. Saraakiisha ayaa falkan ku tilmaamay Mid argagixiso.

Weerarkan ayaa dhacay habeenkii koowaad ee sanadka cusub 2025 iyadda oo dadka ay dabaaldagayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 02:57PM

Iran Oo Weerar Gantaal Ku Qaadday Xarunta Sirdoonka Israel ee Mossad

Muuqaalladii hore ayaa sidoo kale muujinayay gantaal difaac cirka Israa’iil oo ku dhacay Tel Aviv intii ay socotay isweydaarsiga rasaasta.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 11:33AM