Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Image

Israa’iil ayaa gacanta ku dhigtay markab gargaar sida oo ku wajahnaa marinka Gaza, kaasi oo ay saarnaayeen Greta Thunberg – u dooda arrimaha cimilada – iyo shaqsiyaad caan ah oo ay kamid yihiin jilaaga filimka “Game of Thrones” Liam Cunningham iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Yurub, Rima Hassan.

Kooxda Freedom Flotilla Coalition (FFC) ayaa horey u sheegtay in ciidanka badda ee Israa’iil ay xoog kula wareegeen markabka “Madleen” oo sida gargaar loogu tala galay dadka reer Gaza, halkaasoo muddo ka badan 600 maalmood uu dagaal ka socdo iyo 11 toddobaad oo go’doon ah oo Israa’iil kusoo rogtay, taasoo sababisay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran oo ay wajahayaan 2.3 milyan oo qof.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil ayaa sheegtay in markabka “si nabad ah u socdaalayey una jihaysan xeebaha Israa’iil,” isla markaana rakaabkii saarnaa la filayo in dib loogu celiyo dalalkoodii.

Fiidiyow ay wasaaraddu ku daabacday baraha bulshada ayaa muujinaya rakaabkii markabka oo fadhiya iyaga oo gashan jaakadaha badbaadada, halka askari Israa’iili ah uu siinayo biyo iyo cunto fudud. Greta Thunberg ayaa lagu arkayay fadhiga safka hore ee dadkan.

FFC ayaa horay ugu sheegtay qoraal ay ku baahiyeen Telegram in markabka “lagu weeraray biyaha caalamiga ah,” arrintaas oo su’aal la gelinayo sharciyadda tallaabada Israa’iil.

Warkan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo caalamku wali ku baaqayo in la furfuro go’doonka Israa’iil ay saartay Gaza si gargaar degdeg ah loo gaarsiiyo dadka ku sugan xaaladda adag ee bani’aadantinimo.

Israel ayaa jeebisay dhamaan xeerarkii caalamiga ee bini'aadanimada, dagaalka iyo gargaarka, iyadoo xasuuq u geysanaysa in ka badan labo milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza, kuwaasoo tan iyo October 2023 ka dishay in ka badan 60,000 oo qof, oo carruur iyo dumar u badan.

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM