Maxaa ka jira in Ruushka si hoose ula shaqeeyo Taliban?

Image

KABUL - Ruushka iyo ururka Taliban ayaa midba dhankiisa beeniyay hadalladii ka soo yeeray madaxa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ee ku aaddaanaa in xukuumadda Moscow ay taageereysay, ayna weliba hub siineysay kooxda Taliban.

Safaaradda Ruushka ee magaalada Kabul ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay hadalka jeneraalka inuu yahay mid aan runta ku saleysneyn ahna xan la dhoodhoobay.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay inaysan dalna ka helin wax caawinaad ah.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay: "Cadowgu arrintani uma hayo wax caddey ah."

Isagoo la hadlayay weriyaha BBC Justin Rowlett, ayuu jeneraal Nicholson sheegay in Ruushku uu carqaladeynayay dadaallada Mareykanka ee gobolka iyadoo uu jiro dano ay wadaagaan oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

Ruushka ayaa hore u sheegay in xiriirkeeda xaddidan ee ay la leedahay Taliban looga gol leeyahay dhiirrigelinta wada-hadallada nabadda iyo hubinta ammaanka muwaaddiniinta Ruushka.

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM