Maxaa looga hadlay Shirka Soomaaliya ka qayb gashay ee ka dhacay South Korea?
Seoul, Kuuriyada Koonfureed – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Afrika iyo Kuuriya oo ka socda magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya.
Shirkan ayaa isu keenaya wasiirrada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, kuwaas oo ka wada hadlaya xoojinta iskaashiga labada dhinac, horumarinta koboc waara iyo dardargelinta danaha wadajirka ah ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso xoojinta xiriirrada ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah, gaar ahaan kuwa ku saleysan iskaashi dhaqaale, maalgashi iyo horumar waara.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku ballaarinayso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay waddamada caalamka, iyadoo diiradda la saarayo soo jiidashada maalgashiga, kobcinta hal-abuurka, iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda.
Shirka Wasiirrada Afrika iyo Kuuriya ayaa loo arkaa madal muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, iyadoo lagu falanqeynayo caqabadaha wadajirka ah iyo fursadaha lagu gaari karo horumar waara iyo barwaaqo wadaag.
GAROWE ONLINE