Maxamed Bin Salman oo dhex-dhexaadinaya Trump iyo Putin

Image

RIYADH — Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa Isniintii shalay gaaray dalka Sacuudiga, isagoo madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlaya xabad joojinta Isaa'iil iyo Xamaas iyo masiirka Marinka Gaza hadii dagaalka la soo afjaro.

Dibloomaasiga sare ee cusub ee Mareykanka ayaa la kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Faysal Bin Farxaan.

Wada hadalka mas'uuliyiinta ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay in 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza lana geeyo dalalka deriska la ah, iyadoo Mareykanka uu markaas dib u habeyn ku sameeynayo dhulka ciriiriga ah ee ku teedsan badda Mediterranean-ka.

Qorshahaas ayaa waxaa dhaliilay oo kasoo horjeestay Sacuudiga iyo dalalka kale ee Caraba. Waxaa sidoo kale saluugay madaxda dalal badan oo xulafo la ah Mareykanka.

Rubio iyo Mohamed Bin Salmaan waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay isku-dubaridka Gaza, arrintaas oo gacan ka geysaneeysa amniga gobolka, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Mareeykanka.

Tammy Bruce ayaa arrintan uga warrantay warbaahinta ka dib markii ay labada mas'uul kulmeen, hase yeeshee maysan sheegin wax wada-xajood ah oo ku saabsan soo jeedinta Trump.

Tammy Bruce ayaa sheegtay in labada mas'uul ay xaqiijiyeen sida ay uga go'an tahay hirgelinta xabbad joojinta Gaza iyo in la xaqiijiyo in Kooxda Xamaas ay sii deeyso dhamaan la haystayaasha, oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykanka.

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM