Maxamed Bin Salman oo dhex-dhexaadinaya Trump iyo Putin

Image

RIYADH — Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa Isniintii shalay gaaray dalka Sacuudiga, isagoo madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlaya xabad joojinta Isaa'iil iyo Xamaas iyo masiirka Marinka Gaza hadii dagaalka la soo afjaro.

Dibloomaasiga sare ee cusub ee Mareykanka ayaa la kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Faysal Bin Farxaan.

Wada hadalka mas'uuliyiinta ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay in 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza lana geeyo dalalka deriska la ah, iyadoo Mareykanka uu markaas dib u habeyn ku sameeynayo dhulka ciriiriga ah ee ku teedsan badda Mediterranean-ka.

Qorshahaas ayaa waxaa dhaliilay oo kasoo horjeestay Sacuudiga iyo dalalka kale ee Caraba. Waxaa sidoo kale saluugay madaxda dalal badan oo xulafo la ah Mareykanka.

Rubio iyo Mohamed Bin Salmaan waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay isku-dubaridka Gaza, arrintaas oo gacan ka geysaneeysa amniga gobolka, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Mareeykanka.

Tammy Bruce ayaa arrintan uga warrantay warbaahinta ka dib markii ay labada mas'uul kulmeen, hase yeeshee maysan sheegin wax wada-xajood ah oo ku saabsan soo jeedinta Trump.

Tammy Bruce ayaa sheegtay in labada mas'uul ay xaqiijiyeen sida ay uga go'an tahay hirgelinta xabbad joojinta Gaza iyo in la xaqiijiyo in Kooxda Xamaas ay sii deeyso dhamaan la haystayaasha, oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykanka.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM