Maxamed oo kaalinta 1aad ka galay magac-bixinta UK sanadka 2023

Image
In ka badan 4,661 oo ku dhalatay England iyo Wales ayaa magacan loo bixiyay, sidda uu sheegay xafiiska ONS.

LONDON, United Kingdom - Muxamed ayaa si rasmi ah u noqday magaca ugu badan ee loo bixiyay caruurta ku dhalatay England iyo Wales, taasoo calaamad u ah isbeddel taariikhi ah oo ku yimid habka magac bixinta UK.

Xafiiska Tirakoobka Qaranka (ONS) ayaa sheegay in 4,661 wiil loo bixiyay magaca Muxamed sanadka 2023, kuwaas oo ka sare maray Nuux oo kaalinta koowaad hayay labadii sano ee la soo dhaafay.

Marka la xisaabinayo higaada beddelka ah sida Mohammed, Mohammad, iyo Mohamed, wadarta guud waxay gaaraysaa 7,730— tiradaas oo hoosta ka xariiqaysa saameynta Islaamka ee UK.

Tani waxay ka dhigan tahay in 40-kii wiil ee ku dhashay England iyo Wales mid ka mid ah uu sito magacan, taas oo caddaynaysa isbedelka ku imaanaya muuqaalka dhaqameed ee waddanka.

Magaca Muxammad, oo ka soo jeeda asal Carabi "hamad," oo macneheedu yahay "in la ammaano," waxa uu leeyahay muhiimad qoto dheer oo dhaqan iyo diimeed.

Mar waa magaca Nebi Muxamed NNKH kaasoo tusaale u ah in ka badan bilyan Muslimiinta adduunka oo dhan. In magacan ku bato UK waxay ka tarjumaysaa saameynta ruuxiga ah iyo doorka aqoonsiga bulshooyinka Muslimiinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM