Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Image

Dimishiq, Suuriya – Dowladda Israel ayaa duqeymo culus ka fulisay magaalada caasimadda ah ee Dimishiq, iyadoo bartilmaameedsatey xarumo dowladeed iyo xaafado rayid ah, tallaabadan oo ah mid ka mid ah weerarada ugu xooggan ee Israel ka geysatay gudaha Suuriya sanadihii u dambeeyay.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka Suweyda oo ay deggan yihiin beesha laga tirada badan yahay ee Druze, halkaas oo dagaallo sokeeye oo qowmiyadeed ay ka dhex qarxeen beelaha Druze iyo qabaa’ilka Bedouin. Sida laga soo xigtay ilo maxalli ah iyo warbaahinta caalamiga ah, ciidamada Suuriya ayaa la sheegay inay si toos ah u beegsadeen maleeshiyaad Druze ah iyo shacabka deegaanka, taasoo keentay khasaare baaxad leh.

Duqeymaha ayaa gaaray ilaa xarumo muhiim ah oo ku yaal Dimishiq, oo ay ka mid yihiin wasaaradda difaaca iyo meel u dhow madaxtooyada. Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeymahaasi ay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiimad siyaasadeed iyo ciidan u leh dowlada Suuriya.

Israel waxay sidoo kale sheegtay inay doonayso in ay rabto iney maamusho xuduud dhuleedka u dhexeya dhulkeeda iyo Suuriya, iyadoo diidan in ciidamada dowladda Suuriya ama kooxaha xiriirka la leh Iran ay ku xoogeystaan gobolkaas.

Magaalada Dimishiq oo leh taariikh ka badan 11,000 sano, ayaa markale wajahaysa xaalad amni-darro iyo burbur, iyada oo shacabka rayidka ah ay ugu nugul yihiin dhibaatada ka dhalata weerarada noocan ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM