Maxkamad fasaxday Nin lagu eedeeyay inuu Nabiga u gafey

Image

GAALKACYO, Somaaliya - Maxkamad ku taalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegtay in dembi lagu waayay nin lagu eedeeyay in uu Sawir meel yaalla ku tilmaamay Nabi Maxamed (SCW).

Garsooraha Maxkamadda, Sheekh Maxamed Macallin Cali, ayaa ku dhawaaqay in Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali "Cilmi Yare" in lagu waayay eedihii loo soo jeediyay, kadib markii Su'aallo ay waydiiyeen.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Galmudug, Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed, inuu ku deg-degay amarkii uu soo saarey, ee ahaa in lasoo xiro Sheekh Cabdiweli.

Sheekh Cabdiweli oo ku sugan Koonfur Gaalkacyo, oo Wareysi siiyay BBC-da ayaa tilmaamay in Sawirka lagu baahiyay baraha Bulshada, uu yahay Sheekhiisa, oo uu markaasi amaaney, balse uusan ku tilmaamin inuu Nabi Maxamed (SCW)  uu yahay.

Nin lagu tilmaamay inuu yahay Nabi Maxamed (SCW), ayaa isna hadlay, oo sheegay inuusan sheegan Nabi-nimo, islamarkaana si qaldan loo adeegsaday Sawirkiisa, isagoo aan ka warheynin.

Hay’adda Culimadda Somaaliyeed ayaa bayaan kasoo saartey arintan, waxayna ku tilmaantay Ninka u gefay Nabigeena Maxamed (SCW), inuu ka baxay Diinta Islaamka, iyadoo ka codsatay Galmudug iyo dowladda Federaalka in ninkaasi Cadaaladda lasoo taago.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM