Maxkamadda sare ee Turkey oo amartay in la soo xiro Fethullah Gulen

Image

December 20, 2014 (GO)- Maxkamadda sare ee dalka Turkiga ayaa soo saartey waaran lagu soo xirayo wadaad mucaarad ah ee lagu magacaabo Fethullah Gulen.

Gulen oo 73 jir ah tan iyo sanadkii 1999kiina ku noolaa  Maraykanka waxaa lagu soo eedeeyey inuu madax ka yahay urur argagixiso.

Waxaa sidoo kale lagu soo eedeeyey inuu xubin firfircoon ka yahay "Isbahaysiga Dheellitirka" oo horay xukuumadda Ankara ugu soo eedeysay inay afgembi qorsheynayaan.

Muddo hada sanad laga joogo xubno ka tirsanaa xukuumadda Turkiga ayaa is casilay kadib markii lagu helay inay ku lug yeesheen musuq maasuq baahsan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo isagu xilligaas ra'isal wasaare ahaa wuu iska fogeeyey eedaymaha loosoo jeediyey xukuumadiisa isagoo sheegay inay yihiin kuwo been abuur ah ayna soo abaabuleen dad uu ku tilmaamay qaran dumis.

Shaqsiyaadka uu Erdogan xilligaas aadka farta ugu fiiqayey waxaa kamid ahaa wadaadka hadda maxkamadda sare amartay in lasoo xiro ee Fethullah Gulen.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii hawlgal ballaaran oo ciidamada ammaanka Turkigu sameeyaan lagu soo qabqabtay 25 qof oo isugu jirey siyaasiyiin, weriyeyaal iyo xubno ka tirsanaa ciidamada.

Midowga Yurub ayaa dhaliilay xarigga iyo cadaadiska lagu hayo xubnaha mucaaradka maadaama tallaabooyinkaasi yihiin kuwo liddi ku ah mabaadi'da asaasiga ah ee dimuqraadiyada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM