Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Image

Midowga Yurub ayaa mar kale ku celiyay in dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay waajib ku tahay inay si buuxda ula shaqeeyaan maxkamadda, oo ay ku jirto fulinta amarada qabashada ee wali taagan.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii diyaaradda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay mar kale dul martay hawada dalal xubno ka ah ICC, iyadoo ku sii jeeday magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay, ayaa ka gaabsaday inuu si gaar ah uga hadlo kiiska Netanyahu, isagoo sheegay in wixii su’aalo ah ee ku saabsan arrintaas si toos ah loo weydiinayo ICC.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay mowqifka Midowga Yurub, isagoo sheegay in Midowgu uu taageero ICC iyo mabaadi’da ku xusan Axdiga Rome, isla markaana uu ixtiraamo madax-bannaanida iyo dhexdhexaadnimada maxkamadda.

Wuxuu sidoo kale xusay go’aankii Golaha Midowga Yurub ee 2023, kaas oo ugu baaqaya dhammaan dowladaha inay si buuxda ula shaqeeyaan ICC, gaar ahaan inay si degdeg ah u fuliyaan amarada qabashada ee wali taagan.

Hadalka Guddiga Yurub ayaa yimid kadib markii xogta Flightradar ay muujisay in diyaaradda Netanyahu ay Isniintii dul martay hawada dalalka Giriigga, Talyaaniga iyo Faransiiska, kuwaas oo dhammaantood xubno ka ah Axdiga Rome, xilli uu u safrayay Washington, DC.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM