Mike Pompeo oo su'aallo laga waydiiyay kulankii Trump iyo Putin

Image

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dowladda Maraykanka Mike Pompeo ayaa su'aallo laga waydiiyay kulankii dhawaan Madaxweyne Trump iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ku dhexmaray magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Pompeo oo ay su'aallaha waydiiyay xubnaha gollaha Senate-ka ayaa ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin ku saabsan waxyaabihii ay Trump iyo Putin uga hadleen kulankoodii toddobaadkii hore

Xoghayaha oo kulanka ka hadlaya ayaa yiri “Madaxweynuhu waxuu xaq u leeyahay in kulamo gaar ah yeesho.” Waxaana uu intaas ku daray inay arrin habboon tahay in Madaxweynuhu uu la kulmo Vladimir Putin.

Arrimaha la xiriira faragelinta la sheegay inuu Ruushka ku sameeyay doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee 2016kii ayaa kamid ahaa waxyaabaha su'aallaha laga waydiiyay Mike Pompeo.

Sidoo kale, Pompeo ayaa caddeeyey in Maraykanku uusan aqoonsan doonin goosashadii Crimea uu Ruushka sanadkii 2014ka ka gooyay dalka Ukraine, taasoo beesha caalamka kasoo horjeysatay.

Ruushka ayaa marar badan beeniyay inuu ku lug lahaa doorashadii dalka Mareykanka November 8, 2016, taasoo uu ku taageeray inuu kuu guuleysto Trump oo xiligaasi tartan adag kula jirtay Hillary Clinton.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM