Mooshin kale oo laga keenay Jacob Zuma

Image

Xubno sarsare oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa soo bandhigay mooshin ka dhan ah madaxweyne Jacob Zuma.

Mooshinkan ayay xubno fallaago ah oo ka tirsan xisbigan waxay soo hordhigeen kulanka golaha fulinta ee xisbiga, kaasi oo uu albaabsda u xiryahay isla markaana aan saxaafadda loo ogolayn.

Cadaadiska ka dhanka ah madaxweyne Zuma ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii mid ka mid ah wargeysyada dalkaasi ka soo baxa uu daabacay farriimo dhanka intarneedka ah oo sida la sheegay muujinayay in Zuma uu doonayo in uu dalka ka baxo isla markaana uu hooy ka dhigto magaalada Dubai.

Afhayeenka madaxweyne Zuma ayaa beeniyay eedeymahaasi, waxa uuna ku tilmaamay kuwa been abuur ah oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda madaxweynaha.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa in muddo ahba wajahayay dalab ah in uu xilka iska casilo sababo la xiriira fadeexado musuqmaasuq iyo sida uu u maareynayo dhaqaalaha dalka.

BBC

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM