Mucaaradka iyo dowlada Koonfurta Sudan oo heshiis wada gaarey

Image

November 8, 2014 (GO)- Dowlada iyo mucaaradka Koonfurta Sudan ayaa shalay oo Jimce ahayd  heshiis hordhac ah ku gaarey  magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Qodobada laysu afgartay waxaa kamid ah in dagaalka si shuruud la'aan ah lagu joojiyo islamarkaana mudo 15 maalmood gudahood ah lagu gaaro heshiis dhameystiran.

Heshiiska oo yimid kadib wada hadal dheer oo muddo bilo ah soo socdey, islamarkaana urur goboleedka IGAD gar wadeen ka ahaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir Mayardit iyo ku-xigeenkiisii hore xilaganse ah hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey heshiiska isagoo shaaciyey in xayiraad dhanka socdaalka iyo dhaqaalaha ah lagu soo rogi doono dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Koonfurta Sudan haddii ay ku xad gudbaan xabad joojinta.

Boqollaal qof ayaa ku geeriyoodey in ka badan labo milyan oo kalena way ku barakaceen dagaalo ka bilowday Koonfurta Sudan December 2013, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo mileeshiyaad ka amar qaata madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar oo isaga lagu soo eedeeyey inuu mas'uul ka ahaa afgembi dhicisoobay.

Dagaalada ayaa dib usoo cusboonaday dhowr todbaad kahor kadib markii ciidamada dowladda iyo xoogaga mucaaradku ku dagaalameen magaalada shidaalka qaniga ku ah ee Bentiu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM