Muxuu Abiy Axmed kala hadlay Putin?

Image

MOSCOW - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin la yeeshay wada-hadallo qoto-dheeraa intii lagu guda jiray kulanka BRICS. 

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin kor u qaadista xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Ruushka, kaasoo ku qotoma danaha ay wadaagaan, sida ganacsiga iyo maalgashiga.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda uu leeyahay xiriirka xooggan ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, isagoo sheegay in xiriirku uu sii kobcayo.

Waxa kale oo uu iftiimiyay suurtogalnimada in la balaariyo iskaashiga dhaqaale iyada oo loo marayo BRICS, oo ah madal dhaqaalahoodu soo korayo oo ay Itoobiya iyo Ruushkuba xubno ka yihiin.

Itoobiya ayaa dhawaan ku biirtay BRICS, iyadoo Abiy Axmed markii ugu horeysay ka qeybgalay Shirka Ururka oo lagu qabtay dalka Ruushka. Xubnaha kale ee cusub waxaa kamid ah Masar iyo Imaaraadka Carabta.

Ruushka ayaa aad u danaynaya hadda arrimaha Afrika, iyadoo Putin kulamo gaargaar ah la yeeshay Al-Siisi iyo Abiy Axmed oo khilaaf u dhaxeeyo, waxaana xiisadda u dhaxaysa labadooda dal salka ku haysaa biyaha webiga Nile.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM