NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Image

Afar cirbixiyeen—saddex Mareykan ah iyo hal Kanadiyaan ah—ayaa si nabad ah ugu soo laabtay dhulka kadib safar taariikhi ah oo ay ku soo wareegeen dayaxa. Waa markii ugu horreysay tan la sameeyo tan iyo sanadkii 1972.

qaybtii ka hartey dayax-gacmeeda (Capsule) oo ay saarnaayeen ayaa ku degay Badweynta Baasifigga, meel u dhow San Diego, habeenimadii Jimcaha. Safarkoodu wuxuu socday 10 maalmood.

Taliyaha howlgalka, Reid Wiseman, ayaa sheegay in dhammaan xubnaha safarka ay caafimaad qabaan. “Green” wuxuu ula jeeday inay xaaladdoodu fiican tahay, kadib markii si xasiloon Kapsalku ugula degay biyaha.

Wax yar kadib, koox samatabbixin ah ayaa ka soo saartay dhammaan afarta cirbixiyeen haragii DAYAXA- Gacmeedka. 

Safarkan wuxuu lahaa waxyaabo cusub oo taariikhi ah:

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey dhulka in ka badan 252,000 mayl. Intii ay ku wareegayeen dhinaca kale ee dayaxa, waxay arkeen meelo aan horey bini’aadam u arag, sidoo kalena waxay daawadeen qorrax-madoobaad socday ku dhawaad hal saac.

Inkasta oo ay jireen caqabado yar sida xiriir go’go’ay iyo cilad musqusha ah, safarku wuxuu cadeeyey in qalabka kapsalka Orion uu awood u leeyahay inuu si ammaan ah u qaado bini’aadamka ilaa dayaxa dib-na u soo celiyo.

Howlgalkan wuxuu muujiyey in bini’aadamku mar kale si dhab ah ugu soo laabtay safarradii dayaxa—waana tallaabo muhiim ah oo loo qaaday mustaqbalka sahminta hawada sare.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM