NATO oo ka hadashay haddii Scotland ka go'do UK

Image

Xog-hayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Scotland aysan si degdeg ah ku noqon doonin xubin ka tirsan xubnaha kamidka ah xulufada milatariga Yurub.

Isagoo ku sugan Brussels kana hadlaya xaalka u dhexeeya  Glasgow & London wuxuu yiri, "Haddii Scotland u codayso inay ka go'do UK taasi waxay la macne tahay inay Scotland ka baxday difaaca Yurub.

Wuxuu kaloo intaa sii raaciyay, "Haddii Scotland ay ka go'do UK waa inay kasbataa aqbalaadda 28 waddan oo ka tirsan xulufada Yurub intaysan noqon waddan cusub oo kusoo biira NATO".

Wuu sii hadlay  oo wuxuu yiri, "Hadday dhacdo, waxay noqonaysaa inay UK wali kamid tahay xubin ka tirsan NATO, laakiin waddan gooni u taagan hadday noqoto waa inay soo codsadaan kamid noqoshada Yurub waana inay arrinkaas go'aan ka gaaraan dhammaan xubnaha NATO.

Wuxuu kalo intaa ku daray, "Dhammaan go'aamada NATO waxay ku dhisan yihiin wadatashi, marka waxaan u baahannahay inay xubnohoo idil kawada tashadaan".

Si kastaba xaal ha joogee, Scotland waxay xaal isaga mid yihiin qayb kamid ah dalka Spain oo mashaqo tanoo kale ah ka taagan tahay. Gobolka la yiraahdo Catalonia oo Spain ka tirsan ayaa isaguna wuxuu doonayaa inuu iskiis isku maamulo oo noqdo dowlad iskeed u taagan sida Scotland iminka doonayso.

Haddii Scotaland ay ka go'do UK waxay dhibaato ku noqonaysaa Yurub, sababtoo ah waxaa Scotland ku yaala goobo difaac oo ay yaallaan Nueclear.

Sidoo kale UK hubkeeda Nueclearka ee dhooban meel u dhow Glasgow waxay noqon doontaa inay daad-gureeyaan, waana arrin culayskeeda leh.

Maxamed Jaamac Faarax Oslo, Norway. Mjfaarah@gmail.com

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM