"Naxariis-darro": Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo dalal shisheeye loo masaafuriyay markii la sii daayay

Image

Qoysaska maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee la sii daayay iyada oo qayb ka ah is-weydaarsiga maxaabiista ayaa sheegay in farxadda ay sugayeen muddo dheer ay naxdin ku noqotay, kadib markii ay ogaadeen in la masaafurin doono kuwa ay jecel yihiin ee Israel sii daysay.

Xafiiska Warbaahinta Maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 154 maxbuus Falastiiniyiin ah oo la sii daayay Maanta, qaybna ka ah heshiiska is-weydaarsiga maxaabiista ee lala galay Xamaas, lagu khasbay in loo masaafuriyo dalal kale.

Maxaabiistan la masaafurinayo ayaa ka mid ah 250 Falastiiniyiin ah oo Israel xirtay, iyo ku dhawaad 1,700 qof oo laga qabtay Qaza mudadii labada sano ahayd ee uu socday dagaalka Israel – kuwaas oo badankood ay Qaramada Midoobay sheegtay in la waayay raadkoodii.

Dhinaceeda, Xamaas iyo kooxo kale oo Falastiiniyiin ah ayaa sii daayay 20 maxbuus Israa'iiliyiin ah, iyadoo lagu heshiiyay xabbad-joojin ku meel gaar ah oo ka dhaqan gashay Qaza.

Weli lama oga si rasmi ah dalalka maxaabiista la masaafurinayo loo gayn doono, balse kuwa badan ayaa loo diray dalal gobolka ah sida Tuuniisiya, Aljeeriya, iyo Turkiga.

Falanqeeyayaal ayaa sheegay in masaafurinta khasabka ah ay jebinayso xuquuqda maxaabiista la sii daayay, taasoo sidoo kale muujinaysa labo-wajiilenimada Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM